Soomaali
Maryooleey Meel u Dambaysaahi Xumaa!
Dowladda:- Villa Soomaliya Waxaa Ka Dhacay Heshiis
Taariikhi ah.
Maalintii Arbacada waxa Xarunta Madaxtooyada ee Villa
Soomaaliya looga dhawaaqay waxa loogu yeeray Heshiis
Taariikhi ah oo Maamul Goboleed loogu samaynayo Gobolka
Galgaduud iyo gabal ka mid ah Gobolka Mudug, waxa ka
qayb galay Xafladii ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Soomaliya
Madaxwaynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh
Max’uud, Raysulwasaare Cabdi-Weli Shiikh Axmed, Xubno
ka socday labada Gole ee Dowlada, Cuqaal, Nabadoono,Waxgarad,
Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan
Soomaaliya Nicholas Kay iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka.
Waxa halkasi lagu gaaray Heshiis ka kooban 11 Qodob
oo Maamul loogu samaynayo Gobolka Galgaduud iyo gabal
ka mid ah Gobolka Mudug, waxaana Qalinka ku duugey Madaxwaynaha
Maamulka Gal-Mudug State Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid,
Gudomiyaha Golayaasha Maamulka Ahlusunna Waljamaaca
Ibraahin Sheikh Xasan Guureeye, waxaana Madasha ka maqnaa
Madaxdii Maamulka Cadado oo goobta laga sheegay iney
Saxiixa ka soo daaheen.
Goobtii lagaga dhawaaqay Maamul u samayntaas wxaa ka
hadaly oo ka mid ahaa Dadka uu sida tooska ah u khuseeyey
Heshiiskasi Madaxwaynaha Maamulka Gal-Mudug State Cabdi
Xasan Cawaale Qaybdiid waxa uuna yiri, “ Fad ama ha
Fadin waa lagu Fadsiin oo macnaheedu yahay Diid ama
ha diidin waa lagu rabsiin ama khiyaar ma lihid ”.
Dad badan ayaa durba soo dhoweeyey Heshiiskasi oo Muraadkoodu
ahaa oo kaliya in mar uun Maamul loo sameeeyo Mudug
iyo Galgduud oo qayb ka ah Mushkiladda Soomaliya, Iyadoo
sidaasi jirto ayaa hadana waxa laga diidey Magaalooyinka
Guriceel iyo Cadaado, Madaxwaynaha Maamulka Ximan iyo
Xeeb Max’ed Cabdilaahi Baarleex oo ShirJjaraa’id ku
qabtay Magaalada Muqdisho 24 Saac ka dib markii Heshiisku
dhacay ayaa Gaashaanka u daruuray Heshiiska iyo Waxyaabihii
ka soo baxay .
“ Waxaan doonaynaa oo naga go’an in Gobolada dhexe
ee Soomaliya Maamul loo sameeyo, lakiin waxba kalama
socono Heshiiska ka dhacay Maalintii Arbacada Villa
Soomaaliya” sidaa waxaa yiri Madaxwaynaha Maamulka Ximan
iyo Xeeb Max’ed Cabdilaahi Baarleex.
Mr. Baarleex waa uu sii hadlay waxa uuna bayaaniyey
waxa uu kaga soo horjeedo Heshiiska Maamulka loogu samaynayo
Gobolada Dhexe waxa uun yiri “ Heshiiskaasi waxa uu
ka soo horjeedaa oo uu jebinayaa Dastuurka Federaalka
ee Soomaaliya oo sheegaya in Maamul u samaynta Gobolada
laga soo bilaabo halka ugu hoosaysa ee aanay xaq u lahayn
iney Dowlada dhexe ku dhaqaaqdo”.
Madaxwayne Baarleex waxa uu shirkiisa Jaraa’id baaq
ugu diray Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.
“ Beesha Caalamka waxaan u sheegynaa in aan la marin
hababin oo ay Xaqiiqda ogaadaan, Dowladana waxaan ka
Codsanynaa in aanay kala gayn dadka Walaalaha ah ee
ku nool Gobolada Dhexe”.
Sidaasi si al mid ah waxaa Heshiiska Maamulka loogu
samaynayo Gobolada dhexe ka hor yimid Gudoomiyaha Golaha
Fulinta ee Maamulka Ahlusunna Waljamaaca Sheikh Ashcari
oo fadhigiisu yahay Magaalada Guriceel waxa uuna yiri.
“ Saxiixa Heshiiska waxaa lahaa oo Siyaasadda u metela
Ahlusunna Golaha Fulinta mana jirin Cid golaha Funilta
ee Ahlusunna ay Saxiixa u Wakiilatay”.
Heshiiska ka dhacay Villa soomaaliya waxa ay qaadacaadii
ugu waynyd ka soo wajhday Magaalada Cadoodo, waxaana
ka dhacay Banaanbax kii ugu waynaa inta la Xasuusto
ee Cadaado ka dhaca oo lagu diidan yahay Heshiiskaasi,
waxaana dadkii isugu soo baxay la haday Madaxwayne ku
xigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi kuus Suldaan
Axmed Nuur.
“ Heshiiska ka dhacay Magaalada Muqdisho waa Heshiis
Qudba-siro ah, mana garanyo cidda lagala cararayo” wax
uuna intaa ku daray “ waxaan u sheegyaa dadka ay khusayso
Maamul u samaynta Gobolada Dhexe in ay weli Gogoshii
ka fidsan tahay Magaalada Cadaado, taasoo lagu balansanaa
5-ta Bisha Augusto”.
Soomalidu waxay ku Maahmaahdaa Meesha Bugta iyo Fartaa
is og, Gunaanadkii Saxiixa ee ka dhacay Villa Soomaaliya
waxaa ka hadlay Madxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh
Max’uud, waxa uuna yiri.” Waxaa Maanta la gaaray Heshiis
Maamul loogu samaynayo Gobolada Dhexe gaar ahaan Galgaduud
iyo Mudug, Heshiiskaasu waxba u dhimi maayo Maamul Goboleedka
Puntland maadaama aan lagu fargelinyn Maamulkooda” .
24 Saac ka dib waxaa Heshiiska Muqdisho lagu gaaray
ka hadlay Madaxwaynha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdi-Weli
Max’ed Gaas oo si wayn uga soo horjeestay in Maamul
Goboleed loo sameeyo Gobolada Mudug iyo Galgduud, waxa
uuna yiri. “ Hadaan nahay Puntland waxaan ka soo horjeednaaa
in maamul loo sameeyo Gobolada dhexe oo ay ku dhawaaqdo
Dowlada dhexe ee soomaaliya” waxa uuna intaa sii raaciyey
“ waxaan Xiriirkii u jarnay Dowlada Federaalka Soomaliya,
waxaana ugu baaqaya Xubnaha Baarlamaanka ee Ka soo jeeda
Puntland iyo Marwo Caasha Geele oo Madax ka ah Gudiga
dib u eegista Dastuurka iney ka hor yimaadaan Heshiiskaas
oo ay dib ugu soo laabtaan Puntland”
Si kastaba inkastoo Heshiiskani ka hor imanyo Dastuurka
oo sheegaya in laba Gobol iyo ka badan ay noqon karaan
Maamul Goboleed, waxa hubaal ah in Gobolada dhexe ee
Soomaliya gaar ahaan Mudug iyo Galgduud ay Maamul u
baahan yihiin Maadaama ay qayb ka yihiin Mushkilada
Soomaaliya, laakiin mar hadii dadkii ay khusaysay aanay
Maamul samaysanayn, oo aanay hadana ogolaanayn in loo
sameeyo Maamul, oo hadana meelihii Maamuladu ka jireen
aanay raali ka noqonyan in Maamul iyo Nidaam loo sameeyo
meelihii Fowdada ahaa, sow lama oran karo Soomaali Maryooleey
meel u danbaysaahi Xumaa!!!.
W/D. Cabdinaasir Xirsi Iidle.
E-Mail. Naasirx1@hotmail.com.
00-252-615503978.