Madaxweynaha
Soomaaliya oo ka tacsiyeyey geeridii Xildhibaan Madeer.
Muqdisho, 01 Agoosto 2014-Madaxeweynaha jamhuuriyadda
federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa
cambaareyey dilkii maanta magaaladda Muqdisho ee Marxuum
Sheekh Aaden Maxamed Madeer oo ka mid ahaa Xlidhibaanadda
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladda , qaraabada,
Baarlamaanka Soomaaliya iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed
geerida Allaah ha u naxariisee Marxuum Shiikh Aaden
Maxamed Madeer. Allaah ha u naxariisto Jannadii Fardowsana
Allaah ha ka waraabiyo Marxuum Sheekh Aaden Maxamed
Madeer samirr iyo iimaan Alaah ha siiyo ehaladda iyo
dhammaan Umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynahu.
“ Waxa uu ahaa nin howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay
Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed, , Waxaa uu ahaa nin
Dowladnimadda aad u jecel." ayuu yiri Madaxweynahu.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay
in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxahii ka dambeyey
dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba.
-DHAMMAAD-
For more information please contact:
Shador Haji
Office of the Somali President
shadorhaji@presidency.gov.so
Twitter: @thevillasomalia /@Shador_Haji