Turjubaan
u shaqeynayey ciidamada AMISOM oo lagu dilay xaafada
Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa
Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xaafada
Suuqa xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka
Banaadir waxay ku dileen nin rayid ah.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ninkan oo wadada socda
ay weerar ku soo qaadeen kooxo bastoolado ku hubeysan
oo rasaas ku furay.
“Markii ay dhowr xabadood ku dhufteen ayna hubsadeen
inuu geeriyooday ayey ka tageen goobta kooxaha ninkaas
dilay, weyna baxsadeen” sidaas waxaa yiri goob jooge
halkaas ku sugnaa.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka la dilay
oo magaciisa lagu soo gaabiyey uu ka mid ahaa turjubaanada
ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho iyo qeybo
kale oo dalka ka mid ah.