Diidmada
looga soo horjeedo heshiiska maamul sameynta gobolada
Mudug iyo G/gaduud oo sii kordheysa
Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhex galay maamulka ahlu
suna ee gobolada dhexe kaasoo salka ku haya heshiiska
maamul u sameynta gobolada Galgaduud iyo Mudug ee koonfurta
Somalia oo maalmo ka hor lagu kala saxiixday Muqdisho.
Heshiiskaas ayaa waxaa maamulka ahlu suna u saxiixay
Shiikh Ibraahim Guureeye oo ah gudoomiyaha goleyaasha
ahlu suna ee gobolada dhexe oo ku sugan hadda magaalada
Muqdisho.
Hase ahaatee Shiikh C/risaaq Cali Yuusuf (Al-ashcari)
Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Ahlusunna oo shir jiraa’id
ku qabtay Galgaduud ayaa sheegay iney heshiiskaas ka
soo horjeedaan, maamulka Ahlusunana uusan matalin Shiikh
Ibraahim Guureeye oo uu sheegay in Xilka laga qaaday
xili hore.
maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka jira degmada Cadaado
iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa
iyana ka soo horjeestay heshiiskaas oo ay ku tilmaameen
mid aan iyaga lagala tashan cid wakiil ka ahna aysan
saxiixin, iyadoo degmada Cadaado uun ka dhacay banaanbax
looga soo horjeedo heshiiskaas.
Arimahan ayaa ku soo aadaya xili maamulka Puntland
oo ah maamul goboleedka ugu tunka weyn Somalia uu xiriirkii
u jaray dowlada Somalia iyagoo ka carooday heshiishaas
oo ay sheegeen in lagu soo daray gobolka Mudug oo qeyb
ka mid ah ay iyagu ka taliyaan.
Dowlada ayaan la ogeyn sida ay u maareyn doonto mucaaradada
lagala hor yimid heshiiskaas ay garwadeenka ka tahay,waxaana
arintantani ay ku soo aadeysaa xili muran badan ay ka
taagan yihiin arrimaha maamul sameynta koonfur galbeed
Somalia, waxayna dowladuu muuqataa in iyadoo aan xalin
khilaaf horey u jiray ay abuureyso mid cusub oo xasarad
hor leh kicinaya.