Xildhibaan
C/llaahi Kheyre “Horumar kasta oo ay Dowladda dhexe
sameysto Puntland waxey ku noqotaa odax ku taagan”
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas
ayaa caawa shaaciyey in maamulkiisu ay kalsoonidii kala
noqdeen Dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii
shalay Muqdisho lagu go’aamiyey in Gobolada dhexe ee
Soomaaliya ay sameystaan maamul goboleed.
C/weli oo heshiiskaasi ka dabaaqtamaya, wuxuu sheegay
in Gobolka Mudug oo 2 dhinac u qeybsan aaney suurtagal
aheyn in lagu darsado maamulkaasi.
Hadalka C/weli Gaas waxaa naqdiyey caawa Xildhibaan
Cabdullaahi Kheyre oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya,
waxaana uu ku tilmaamay hadalka C/weli Gaas inuu yahay
mid qiyaali ah, isaga oo intaasi sii raaciyey in hab
dhaqanka Madaxda Puntland in ay ceeb ku tahay Dowladnimada
Soomaaliya.
“Puntland waxey noqotay bar ceebeed ku taal Dowladda
dhexe ee Soomaaliya, sababtuna waxey tahay tillaabo
kasta oo ay Dowladdu u qaado dhinaca wanaagsan &
horumarka waxaad moodaa in ay odax ku tahay” Ayuu yiri
Xildhibaan Kheyre, waxa uuna intaasi raaciyey in Puntland
ay Dowladda ugu jiraan Xildhibaanno & Wasiiro haddii
ay cabanayaana ay tahay in ay baarlamaanka ay soo maraan,
haddii se ey yiraahdaan waxaan xiriirka u jarnay Dowladda.
“Haddii xaqiiqda la baal maro waxaa ka dhalanaya cadaalad
darro. Puntland waxaa sameystay beel ka mid ah beelaha
Soomaaliyeed, beeshaasi kama Soomaalisana, kama xuquuq
badna beelaha kale, waa in lagu celceliyaa in aysan
waxba ka duwaneyn beelaha dagan Sh/dhexe, Hiiraan &
Galguduud” Ayuu yiri Xildhibaankaasi, waxa uuna intaasi
ku daray in Maamulada dalka ka jira ay cabasho soo gudbin
karaan, loona baahan yahay in cabashadaadu aaney noqon
mid sed-bursi aad ku raadineyso.
“Beel waliba haddii ay tiraahdo sida aan rabno haddaan
la yeelin cirkaa soo dumaya, waxey dhaawaceysaa hannaankii
dowladnimo, Madaxdweynaha, R/wasaaraha & beesha
caalamkuna shalay waxey si wadajir ah goob joog uga
ahaayeen, una ansixiyeen hirgelinta Maamulkaas” Ayuu
yiri Xildhibaan Cabdullaahi.