Xildhibaan
Xoosh oo Madaxweynaha uga digay inuu isbedel ku sameeyo
maamulka gobolka Shabeellaha dhexe
Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa
si kulul uga hadlay hadallo maalmahan soo baxayay oo
sheegayay in Madaxweynaha Soomaaliya uu damacsan yahay
inuu maamul cusub u magacaabo gobolka Shabeelaha Dhexe.
Mudanahan ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuusan faraha
la gelin arrinta maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo
in la bedeli maamulka xilligan inta laga gaarayo 2016-ka,
isagoo ku amaanay maamulka xilligan jira inay shaqo
fiican soo qabteen.
"Arrimaha hadda jira waxaa ka mid ah in waqti yar
ka harsan yahay 2016-ka, ma ahan madaxweynaha inuu faraha
la galo arrinta Shabeelaha Dhexe, dad ayaa kasoo shaqeeyay,
shaqo fiican soo qabteen in loo dhaafo ayaa ku talinayaa,
wax wanaagsanna ma ahan in madaxweynuhu arrin siyaasadeed
ku sarifto maamulka gobolka," ayuu yiri xildhibaan
C/raxmaan Xoosh.
Xildhibaanka ayaa xusay in horay loogu fashilmay maamulladii
Jubbooyinka, Koofur-galbeed iyo maamulka gobollada dhexe,
isagoo ku baaqay in dadka deegganka iyo xildhibaannada
deegaanka loo daayo arrinta Shabeellada Dhexe.
"Madaxtooyada haddii wax walba ay faraha la gasho
waa dhibaato, waxaan qabaa inay khalad tahay in madaxweynuhu
uu siyaasad ahaan isku furto maamulka gobolka Shabeellada
dhexe, waa inuu ogaadaa maahmaahdii oranaysay - Meeshaa
nin ku qaadatay nin ayaad uga tagtay -," ayuu mar
kale yiri xildhibaanku.
Xildhibaan Xoosh ayaa sheegay in dowladda Somalia ay
u hartay hal sano, isla markaana marka la gaaro bisha
Ogoosto 2015-ka aanu madaxweynuhu waxba magacaabi karin,
isagoo xusay in waqtiga la haysto uu yahay mid yar oo
haddii shaqsi cusub oo bulshada hadda baranaya gobolka
madax looga dhigana wax ay soo kordhinayso ma jirto.
"Aniga waxaa baarlamaan ahaan wakiil ka ahay Puntland,
balse waxaan ka ka mid ahay reer Shabeellada dhexe,
madaxweynaha siyaasad ahaan ayuu rabaa inuu sarifto
mana ka yeelayno," ayuu hadalkiisa daba-dhigay.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay
inuu madaxweynuhu doonayo inuu maamul cusub u magacaabo
Shabeellada Dhexe, iyadoo guuxa arrintan ay haraysay
shacabka gobolkaas iyo weliba siyaasiyiinta kasoo jeeda
gobolka.